Dalxiisayaal ajaaniib ah oo loo diiday in ay ka dhoofaan Garowe

Laamaha amniga Puntland ayaa maanta koox ajaaniib dalxiisayaal ah u diiday in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha Garowe, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay safar ku tagay magaalooyinka Laascaanood iyo Eyl.

Sarkaal diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa Puntland Post u sheegay in kooxdan lagu haysto safar aysan hore u sheegin oo maalmo ka hor ku tageen magaalada Laascaanood.

Wuxuu intaas ku daray in kooxdan oo u dhoofi lahayd magaalada Muqdisho ay Nabadsugidda Puntland su’aalo ka weydiinayso safarka ay ku tageen magaalada Laascaanood.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu arkayay kooxda ajaaniibta dalxiisayaasha ah oo sawirro ku soo galaysa magaalooyinka Laascaanood iyo Eyl.

PUNTLAND POST