
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 4.4 milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah u baahan yihiin gurmad, kuwaas oo ay saameysay baarta ka jirta dalka.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu xusay in tiro dhan 4.4 milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah u baahan yihiin gurmad, kuwaas oo ay saameysay abaarta daran ee ka jirta qeybo ka mid ah dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa maalmihii ugu dambeeyay kulamo la qaaday safiiro iyo madaxda hay’ado caalami ah, kuwaas oo ay ka wadahadleen xaaladda baaraha ee ka jirta dalka.
Dowladda Shiinaha oo ka jawaabtay xaaladda abaarta Soomaaliya ayaa shalay lacag dhan hal milyan oo doolar ($1,000,000) ku wareejisay dowladda federaalka.
PUNTLAND POST