Shiinaha oo soo dhaweeyay kalsoonida ay u muujisay dowladda Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo safiirka Shiinaha ayaa ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, horumarinta iyo abaaraha ka jira dalka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamse ayaa safiirka uga mahadceliyay kaalinta isgarab-taagga ah ee dowladda Shiinaha had iyo goor ay la barbar taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo xusey mashaariicda iyo arrimaha gargaarka ee Shiinaha ka fuliyay dalka, gaar ahaan gargaarkii la geeyay gobolka Awdal.

Danjiraha Shiinaha Mudane Wang Yu ayaa dhankiisa sheegay in uu ku faraxsanyahay kalsoonida dowladda Soomaaliya u muujisay Shiinaha, isaga oo ku celiyay sida ay u adkaynayaan xiriirka dhinacyada badan ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay tahay in dunida ay indho cusub ku eegto Soomaaliya, maadaama ay nabad, xasilooni iyo kala dambeyn ka hirgashay inta badan gayiga Soomaaliya, dalkuna uu diyaar u yahay maalgashi toos ah oo caalami ah.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha uu la qaatay safiirka ayaa waxaa ku wehliyay guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

PUNTLAND POST