
Ciidamo la sheegay in ka tirsan yihiin daraawiishta Puntland ayaa shalay degmada Bareeda ee gobolka Raascasayr ku dhacay qayb ka mid ah hub hore looga dejiyay markabka Sea World oo hadda la doonayay in lagu wareejiyo madaxtooyada Puntland.
Hubka oo laga soo iibiyay dadkii deegaanka ee hore u dhacay ayay la wareegeen ciidamo ka soo gadooday buuraha Calmiskaad, sida wareysi uu bixiyay ku sheegay taliyaha howlgalinta ciidamada PMPF ee gobolka Raascasayr, Axmed Jidgooyo.
Markabka Sea World waxaa 18 bishii Luuliyo laga degay hub fudud, kaas oo markii hore la geeyay xerada ciidamada PMPF ku leeyihiin degmada Caluula, waxaase hubkaasi uu markii dambe gacanta u galay dad shacab ah.
Xeer-ilaalinta gobolka Raascasayr ayaa 19-kii bishii Luuliyo soo saartay warqad lagu amrayo taliyaha booliska gobolkaas in uu xafiiska la soo wadaago hubka lagala degay markabka Sea World oo gacanta u galay dad shacab ah iyo ciddii arrintaas mas’uul ka ahayd.
Markabka Sea World oo todobaadyo ku xirnaa dekedda magaalada Boosaaso ayaa Puntland siidaysay, kaddib markii ay ka wadahadleen dowladda Turkiga oo sheegatay qalabka militari ee saarnaa.
PUNTLAND POST