
Maamulka Somaliland ayaa shalay xiray siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo ka soo laabtay safar uu dhawaan ku tagay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari.
Ciidanka Booliska Somaliland ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in Jaamac Shabeel la xiray kaddib markii uu ku xadgudbay qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, sida ay hadalka u dhigeen.
Qoraal ka soo baxay Booliska Somaliland ayaa lagu yiri “ciidanka Booliska Somaliland ayaa maanta gacanta ku soo dhigay eedaysane Jaamac Shabeel oo ku eedaysan arrimo ka soo horjeeda qaranimada, xadgudubna ku ah jiritaanka jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo dhawaanahan ku hawlanaa. Eedaysanaha waxa degdeg loo horgayn doonaa ha’yaddaha garsoorka ee dalka”.
Jaamac Shabeel waxaa lagu xiray magaalada Wajaale, xilli uu dhanka Itoobiya ka soo galayay Somaliland. Jaamac wuxuu aad u taageeray qadiyadda Laascaanood, xilligii uu maamulka Somaliland duqeynta ka gaysanayay magaaladaas.
PUNTLAND POST