Baarlamaanka Puntland oo ajandihiisa ka saaray la xisaabtanka wasaarado

Baarlamaanka Puntland ayaa ajandihiisa kalfadhiga 57-aad ka saaray la xisaabtanka wasaaradaha maaliyadda, arrimaha gudaha iyo kalluumeysiga.

Golaha ayaa shalay cod gacantaag ah kaga saaray ajandaha 8-aad ee ku jiray ajandayaasha kalfadhiga 57-aad, kaas oo ahaa in loo yeero saddexda wasaaradood si wax looga waydiiyo waajibaadka loo igmaday.

Ujeedka la xisaabtanka wasaaradaha looga saaray ajandaha waxaa lagu sheegay arrimo farsamo iyo waqtiyeed oo la xiriira habsami u socodka kalfadhiga.

Wasaaradaha ayaa wax laga weydiin lahaa arrimo ay ka mid yihiin cabashada mushaarka shaqaalaha & ciidamada, shatiyada la siiyo maraakiibta shisheeye, iyo doorashooyinka qof iyo cod.

PUNTLAND POST