
Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa magacaabay xubin ka bannaanayd guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC.
Ismaaciil Warsame Aadan ayaa looo magacaabay xubin ka mid ah guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday guddoomiye Cabdirisaaq.
Xubinta uu Ismaaciil buuxiyay ee guddiga PEC waxaa hore u banneeyay Axmed Jaamac Maxamed Idiris oo dhawaan ka mid noqday xildhibaannada baarlamaanka Puntland.
PUNTLAND POST