Puntland ayaa cadow Al-shabaab ah ku tilmaantay qofkii lagu arko kaarta aqoonsiga qaranka ee ay bixiso hay’adda NIRA.
Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in ciddii lagu arko kaarka NIRA ay tahay cadow, islamrkaasna la xiri doono.
“Ciddii kaarka NIRA qaadata haddaynu Puntland nahay waa codow, waana xarig qofkii lagu arkaa” ayuu yiri wasiirka Caydiid.
Wasiir Caydiid ayaa hadalkan jeediyay, kaddib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh shalay sheegay in Al-shabaab ay qaadan karto kaarka aqoonsiga qaranka ee NIRA.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa adeegyo badan ku xirtay kaarka aqoonsiga qaranka ee ay bixiso hay’adda NIRA, waxayna taasi sababtay in dad deegaannada Puntland ku sugan ay u doontaan Laascaanood iyo koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug.
Golaha wasiirrada Puntland waxay dhawaan isku raaceen in 1-da January 2026, la hawlgeliyo hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta Puntland ee (PID).
PUNTLAND POST