
Puntland ayaa sheegtay in howlgal cir iyo dhul ah ay dowladda Maraykanka ka fulisay togga Baalade ee buuraleyda Calmiskaad, kaas oo lagu beegsaday xubno sarsare oo ka tirsan Daacish.
Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ee horey loo oran jiray Twitter ku yiri “aaga Calmiskaad, howlgal cir iyo dhul ah, oo ay fuliyeen saaxiibada dowladda Puntland ee Maraykanka ee taageeraya howlgalka, ayaa lagu beegsaday bartilmaameedyo sarsarre oo ka tirsan argagixisada Daacish. Wixii faahfaahin ah wakhtigeeda”.
Warar madax bannaan ayaa sheegaya in howlgal gaar ah oo aroornimadii hore ee maanta ay fuliyeen ciidamada gaar ah ee Maraykanka uu ka dhacay godadka Bakuuje ee Baalade, halkaas oo lagu tuhmayay in ay ku jiraan madax sarsare oo ka tirsan Daacish.
Warark ayaa tilmaamaya in godadka lagu dilay madax ka tirsan kooxdaas oo ajaaniib u badan, qaarkoodna meydadkooda ay qaateen ciidamada howlgalka fuliyay ee Maraykanka.
Waa howlgalkii 2-aad oo dhulka ah oo ay ciidamada Maraykanka ka fuliyaan aaga lagula dagaalamayo Daacish, iyadoo kii hore bishii July ee sanadkan lagu qabtay madaxii maaliyadda kooxdaas ahaana wakiilka u qaabilsan ajaaniibta, Cabdiweli Maxamed Aw Yuusuf (Cabdiweli Walalac).
Dowladda Maraykanka ayaa weli faahfaahin ka bixin howlgalka cirka iyo dhulka ah ee ay ka fulisay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.
PUNTLAND POST