Caasimadaha Soomaaliya oo shir uga furmay Garowe

Magaalada Garowe ee xarunta Puntland waxaa maanta ka furmay shir ay ka qaybgaleen wafdi ka kala socda magaaloyiinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Beledweyne iyo Dhuusamareeb, kaas oo ah aqoon isweydaarsi ay yeelanayaan caasimadaha Soomaaliya ee laga fuliyo mashruuca Nagaad oo uu maalgeliyo Bangiga Adduunka.

Wafdiga ka qaybgalaya shirka ayaa la sheegay in ay cashar ka baran doonaan mashaariicda uu maalgeliyay Bangiga Adduunka ee laga hirgeliyay magaalada Garowe, iyadoo la soo tusi doono mashaariic ay ka mid yihiin mashuurca biyo saarista oo hadda socda iyo kuwa dhammaaday.

Garowe ayaa noqotay magaalada koowaad ee sidii loogu talagalay uga faa’iidaysatay magaariicda uu magaalgeliyo Bangiga Adduunka ee laga fuliyo caasimadaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST