Puntland oo xukun ka soo saartay kiiska dilka Saabiriin

Maxkamadda darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa maanta dil toogasho ku xukuntay Hodan Maxamuud Diiriye oo ku eedeysnayd tacaddiga dilkii Saabiriin Saylaan Cabdulle.

Sidoo kale Cabdicasiis Nuur Xaashi oo ahaa sayga Hodan ayay maxkamaddu ku xukuntay 1 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $500. Xukunka maxkamadda ku riday labada eedeysane waxaa muddo bil ah ka furan Racfaan ka qaadasho.

Marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdulle oo ahayd 14 sano jir ayaa magaalada Gaalkacyo lagu dikay 12-kii bishan Nofeembar, waxaana weli meydkeedu ku jiraa isbitaalka guud ee magaalada.

Muddo labo todobaad ku dhow waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacayay bannaanbaxyo ay dhigayeen haweenka magaalada, kuwaas oo dalbanayay in ay caddaalad hesho Saabiriin Saylaan, waxayna mudaharaadyadaas sababeen dhimashada wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Sakariye Cabdisalaan Ciise.

PUNTLAND POST