Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari, Gaashaanle Sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir, ayaa ka hadlay dagaalka Daacish iyo amniga guud ee magaalada Boosaaso iyo gobolkaas.
Taliye Dirir ayaa sheegay in 24 saac ee la soo dhaafay ay isa soo dhiibeen afar xunood oo ka tirsan kooxda Daacish, sidoo kale wuxuu xusay in la qabtay gaadiid iyo dad rag & dumar isugu jira oo saad u waday kooxdaas.
Dhanka kale Taliyaha ayaa tilmaamay in ammaanka magaalada Boosaaso uu aad u wanaagsan yahay, islamarkaana ku jirto mid ka mid ah xilliyadii ay agu amniga badnayd.
PUNTLAND POST