Gaalkacyo: Kiisa tacaddiga dilka Saabiriin oo mar labaad loo fariisanayo

Maxkamadda darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa goordhow mar kale u fariisanaysa dhageysiga gar-maqalka kiiska tacaddiga dilka Saabiriin Saylaan Cabdulle.

Maxkamadda ayaa mar kale la horkeeni doonaa labada eedeyse ee Hodan Maxamuud Diiriye iyo seygeeda Cabdicasiis Nuur Xaashi, kuwaas oo loo heysto dilka Saabiriin, waxaana loo dhegtaagayaa go’aanka ka soo bixi doono kiiskan.

Muddo labo todobaad ku dhow waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacayay bannaanbaxyo ay dhigayeen haweenka magaalada oo dalbanaya in ay caddaalad hesho Saabiriin Saylaan oo 12-kii bishan la dilay, taas oo ilaa iyo hadda aan meydkeeda la aasin.

Bannaanbaxyada Gaalkacyo ayaa maalmo ka hor sababay dhimashada hal qof, kaas oo ahaa wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Sakariye Cabdisalaan Ciise.

PUNTLAND POST