Madaxweyne Xasan Sheekh oo sameeyay magacaabis cusub

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar in uu noqdo ergeyga gaarka ah madaxweynaha ee ka-hortagga & la-dagaallanka fikradda xagjirka ah ee rabshadaha wata.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ergeyga cusub u xilsaaray arrimahan xoojinta amniga iyo adkeynta dowladnimada, ka-hortagga xagjirka iyo dagaalka ka dhanka ah fikradaha rabshadaha wata, horumarinta iskaashiga bulshada & hay’adaha amniga iyo dhisidda & hirgelinta siyaasadaha qaranka ee ka-hortagga & la-dagaallanka fikradda xagjirka ah ee rabshadaha wata.

Xildhibaan Aweys ayaa la sheegay in uu leeyahay khibrad iyo waaya-aragnimo ballaaran oo uu kaga soo shaqeeyay hay’adaha amniga, siyaasadda dadweynaha, iyo dadaallada ka-hortagga xagjirka.

PUNTLAND POST