Calmiskaad: Xubno ka tirsan Daacish oo duqayn lagu dilay

Ciidamada Puntland ayaa war ay soo saareen ku sheegay in duqeyn dhanka cirka ah lagu dilay ugu yaraan shan xubnood oo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Duqeynta oo ay fulisay dowladda Maraykanka ayaa la xusay in ay ka dhacday aaga Barakalah ee togga Baalade, halkaas oo ay dhowr duqeymood ka dhaceen maalmihii la soo dhaafay.

Qoraal ka soo baxay howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa lagu yiri “duqeyn ayaa lagu dilay ugu yaraan 5 ka mid ah firxadka argagixisada Daacish, duqeynta oo ka dhacday aaga Barakalah ee togga Baalade waxaa fuliyey saaxiibada dowladda Puntland ee Maraykanka”

Dagaallo cir iyo dhul ah oo ka dhan ahaa Daacish ayaa tan iyo todobaadkii hore ka socday togga Baalade ee Calmiskaad, waxaana jira xubno la qabtay, kuwa isa soo dhiibay iyo kuwa la dilay oo ka tirsan kooxdaas.

PUNTLAND POST