Xubno ka tirsan Daacish oo isu soo dhiibay Puntland

Labo xubnood oo Soomaali ah oo ka tirsan ururka Daacish ayaa aroortii hore ee maanta isu soo dhiibay ciidamada Puntland ee sugan deegaanka Yalho ee degmada Boosaaso.

Labada xubnood oo lagu kala magacaabo Maadeey Xuseen Ibraahim iyo Xasan Ibraahim Cabdiraxmaan ayaa loo gudbiyay magaalada Boosaaso, waxaana ku socda baaritaan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland.

Dhanka kale ciidamada Puntland ayaa maanta howlgal ka wada godob ku yaalla ceelka Maragade ee togga Baalle, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen duqaymo ay fulisay dowladda Maraykanka.

Maalmihii u dambeeyay waxaa togga Baallade ee Calmiskaad ka socday dagaallo cir iyo dhul ah oo lagu sheegay in ay yihiin howgalkii ugu dambeeyay oo lagu soo afjarayo dagaalka Daacish.

PUNTLAND POST