Dil ka dhacay Muqdisho iyo CCW oo ka hadlay

Shalay galinkii dambe waxaa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir lagu dilay Cabdullaahi Cabdi Raage oo ahaa wiil arday ah oo dhigayay dugsi sare.

Dilka ayaa la sheegay in ay geysteen ciidamo hubaysan oo watay wariye duubayay shacab cabanaya oo ku nool xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid.

Qoyska wiilka la dilay oo warbaahinta la hadlay ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbaday caddaalad iyo in sharciga la horkeeno ciddii falkaas gaysatay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee mucaaradka ayaa cambaareeyay dilka wiilka ardayga ah, wuxuuna qoraal uu soo saaray ku yiri “waxaan canbaaraynayaa dilka ay ciidanka Booliska Saldhiga Yaaqshiid u geysteen marxuum Cabdillaahi Cabdi Raage. Waxaan u tacsiyeynayaa hooyo Nasiib Ibraahim Xuuti oo willkeeda la dilay”. 

“Dadkii ugu danyarsanaa bulshada ayaa awoodda dawlada lagu muquuninayaa, si loogu adeego in yar oo ka tirsan qoyska iyo saaxiibbada ay danwadaagta yihiin madaxweynaha. Waa nasiib darro weyn, iyo foolxumo qaranka la baday” ayuu raaciyay.

PUNTLAND POST