
Maxkamadda darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa maanta si rasmi ah u billowday dhageysiga gar-maqalka kiiska dilka Saabiriin Saylaan Cabdulle.
Maxkamadda ayaa la horkeenay labo eedeysan oo kala ah Hodan Maxamuud Diiriye iyo seygeeda Cabdicasiis Nuur Xaashi, kuwaas oo loo heysto dilka Saabiriin. Xeer ilaaliye Muxubo Faysal Gacayte oo dambiga soo oogaysay ayaa maxkamada ka hor-jeedisay cadeymaha loo hayo kiiska.
Maalinta isniinta ee 24-ka bishaan ayaa mar kale la dhageysan doonaa kiiska marxuumad Saabiriin Saylaan, sida ay u muddaysay maxkamadda darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo.
Marxuumad Saabiriin oo la dilay 12-kii bishan ayaa weli la aasin, waxaana meydkeedu ku jiraa isbitaalka magaalada Gaalkacyo.
PUNTLAND POST