Calmiskaad: Duqeyn ka dhacday ceelka Maragade

Puntland ayaa sheegtay in ay goordhaweyd duqeyn ka dhacday ceelka Maragade ee togga Baallade, taas oo lala eegtay xubno ka tirsan Daacish.

Puntland ayaa xustay in ay duqeynta fulisay dowladda Mareykanka oo ka qaybqaadata la dagaalanka Daacish ee Calmiskaad. “Duqeyn ayaa hadda lagula beegtay firxadka argagixisada Daacish, ceelka Maragade ee togga Baallade. Duqeynta waxaa fuliyey saaxiibada dowladda Puntland ee Maraykanka” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo ka soo baxay howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

Puntland ayaa shalay sidaan oo kale sheegtay in Maraykanku uu duqeyn ka fuliyay tog ku yaalla Baallade, balse howlgalka AFRICOM ayaa weli ka hadlin duqeymaha.

Maalmihii u dambeeyay waxaa togga Baallade ee Calmiskaad ka socday howlgal cir iyo dhul ah oo lagu sheegay in uu yahay kii ugu dambeeyay oo lagu soo afjarayo dagaalka Daacish.

PUNTLAND POST