Muxuu yahay dakhliga Puntland soo geli jiray ee 57% hoos u dhacay?

Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda Puntland, Axmed Jaamac Jowle ayaa ka hadlay hoos u dhac ku yimid dakhliga mashaariicda caalamiga ah ee sanadka 2026.

Agaasime Jowle ayaa sheegay in miisaaniyadda dakhliga ka baxsan khasnada dawladda oo ah mashaariicda caalamiga ah
ee sanadka 2026 ay hoos u dhacday 57% marka la barbardhigo qoondada sanadka 2025. Arrintan ayuu ku sababeeyay deeqihii caalamka oo hoos u dhac xoogan ku yimi.

“Miisaaniyadda mashaariicda caalamiga ah ee sanadka 2026 waxay hoos u dhacday 57% marka la barbardhigo qoondada sanadka 2025, madaama guud ahaan deeqihii caalamka uu hoos u dhac xoogan ku yimi.” ayuu yiri agaasime Jowle.

Hoos u dhaca dakhliga mashaariicda ka iman jiray Qaramadda Midoobay, hay’adaha caalamiga ah iyo mashruuca Bankiga Horumarinta Afrika ayaa la filayaa in ay saameyso adeegyada bulshada oo qaarkood taageero ka heli jiray.

PUNTLAND POST