
Shacab ka cabanaya go’aan ay dowladda Puntlnd ku soo rogtay deegaanka Tisjiic ee degmada Boosaaso ayaa maanta bannaanbax ka dhigay tuulada Yalho oo ku taalla meermeerka Boosaaso.
Bannaanbaxayaasha ayaa joojiyay isu socodka gaadiidka ee u kala goosha magaalada ganacsiga Boosaaso iyo gobollada kale ee dalka, iyagoo dowladda ka dalbaday in go’doominta laga qaado deegaanka Tisjiic oo ku yaalla buuraha Calmiskaad.
Xukuumada Puntland ayaa dhawaan soo saartay amar sheegaya in guud ahaan deegaanka Tisjiic ay dadka shacabka ah isagga guuraan, go’aankaas oo ay ka hor yimaadeen dadka deegaanka.
Deegaanka Tisjiic ayaa ka mid ah meelaha uu saameeyay dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda argagixisada ah ee Daacish.
PUNTLAND POST