
Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) oo shalay ka hadlay shir furan oo Golaha Ammaanka uu ka yeeshay cunno-yarida la xiriirta colaadaha ayaa sheegay in colaaduhu ay gaajo ka dhaliyaan dalal badan, halka gaajaduna ay sidoo kale dalalka ka dhigto kuwo jilicsan oo u nugul fowdada.
Abuukar Baalle ayaa xusay in Qaraarka 2417 ee Qaramada Midoobay uu ka digayo in gaajada loo adeegsado hub ahaan, taas oo khatar ku ah nabadda.
Wuxuu tilmaamay in warbixinta caalamiga ah ee 2025 oo ku saabsan dhibaatooyinka cunnada ay muujisay in dadka la ildaran gaajada ba’an ay sii kordhayaan, arrintaasina ay u baahan tahay iskaashi caalami ah oo ballaaran.
Mudane Abuukar Baalle ayaa ku baaqay iskaashi adag oo isku daraya gargaarka bani’aadannimo, horumarinta iyo dhisidda nabadda, isagoo xusay in la dagaallanka gaajada ay tahay furaha nabadda iyo xasilloonida.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonto in ay la shaqeyso saaxiibbadeeda caalamka si loo dhiso nidaamyo siiya dadka cunto, fursad iyo rajo.
PUNTLAND POST