Wasiir Caydiid: Premier Bank Puntland wax xiriir ah lama laha shirkadda ka shaqaysa E-visa

Puntland ayaa sheegtay in maamulka Premier Bank ee Puntland uu keenay xog iyo caddaymo la xiriirta in aysan wax xiriir ah la lahayn shirkadda ka shaqaysa E-visa.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa lagu yiri “maamulka shirkadda ayaa wasaaradda keenay xog iyo caddaymo la xiriirta in shirkadda Premier Bank Puntland aysan wax xiriir ah la lahayn maalgelinta, socodsiinta iyo maamulka shirkadda ka shaqaysa E-visa”.

Wasiir Dirir ayaa maalin ka hor Premier Bank ku eedeeyay in uu qayb ka yahay barnaajimka dal-ku-galka danabaysan ee E-visa, oo ay diidan yihiin Puntland iyo Somaliland.

PUNTLAND POST