Muqdisho: Dowladda oo u digtay shirkadda Favori ee maamusha garoonka Aadan Cadde

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay xaaladdii ka taagnayd garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, taas oo sababtay in ay hakad gasho qashadii garoonka.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lagu ku guuleystay xalinta cabashadii ay qabeen shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, taas oo keentay in ay dib ugu laabtaan shaqooyinkoodii.

Sidoo kale war-saxaafadeedka lagu xusay in loo digay shirkadda maamulka garoonka, iyadoo lagu amray in aysan mar dambe soo laaban cabashooyinka shaqaalaha.

Shirkadda Favori ayaa la faray in ay si degdeg ah wax uga qabato qodobadii ay shaqaaluhu tabashada ka muujiyeen.

PUNTLAND POST