
Shirkadda Favori ee maamusha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa shaqo joojin ku samaysay qaar mid ah shaqaalaha Soomaalida ee halkaas ka shaqeeya, taas oo abuurtay xaalad kacsanaan ah.
Arrintan ayaa sababay in shaqaalaha garoonka ay maanta mudaharaad ka sameeyaan afaafka hore ee garoonka, iyagoo ku eedeeyay maamulka shirkadda in ay ku sameeyeen xadgudub.
Waxay sheegeen in shirkadda Turkiga ah ee Favori ay doonayso in ay ku baddesho shaqaale kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo laga keenayo dalka dibadiisa, gaar ahaan dalalka Turkiga iyo Udanga.
Sidoo kale shaqaalaha ayaa tilmaamay in cadaadis haystay tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaare Xamse booqashooyin is xig-xiga ku tagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Qaar ka mid ah howlihii shaqo ee garoonka ayaa maanta hakad galay, kaddib markii qaar kamid ah shaqaalaha muhiimka ah ay joojiyeen shaqooyinkii ay hayeen.
Arrintan ayaa timid, iyadoo muddooyinkii dambe la hadal hayay khilaaf u dhexeeya maamulka shirkadda Favori iyo shaqaalaha Soomaalida, kaas oo ku saabsan xuquuqda shaqaalaha iyo go’aano lagu sheegay kuwo cadaalad darro ah.
PUNTLAND POST