
Ismaaciil Ibraahim Axmed oo ah aasaasaha shirkadda WorldRemit ayaa sheegay in nidaamka dal-ku-galka elektaroonigga ah (E-visa) ee ay dowladdu soo rogtay uu ka dambeeyo Premier Bank.
Ismaaciil Axmed waxa uu tilmaamay in lacagta E-visa uu soo uruuriyo Premier Bank oo heshiis kula jira shirkad uu leeyahay qoyska Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu magacaabo Empire.
Wuxuu ku eedeeyay Premier Bank in uu jabiyay shuruucda lacagaha ee kaararka, isagoo ku goodiyay in uu caalamka ka bilaabi doono dacwad ka dhan ah bangigaas, maadaama sida uu sheegay uu sameeyay arrin sharci darro ah.
Ismaaciil Axmed ayaa xusay in Premier Bank arrinta ka dhigayo mid ku salaysan tartan ganacsi, base sidaas aysan hayn oo ay tahay isbaaro uu dhigtay sida uu hadalka u dhigay.
PUNTLAND POST