
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wadfi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Algiers ee caasimadda dalka Aljeeriya.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Aljeeriya ayaa la sheegay in uu qayb ka yahay dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tamarta iyo iskaashiga diblomaasiyadeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Algiers in uu kulamo la qaato dhiggiisa Aljeeriya Abdelmadjid Tebboune si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo ku saabsan iskaashiga gobolka iyo midka caalamiga ah.
Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ee Aljeeriya waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka gaashaandhigga, wasiirka macdanta iyo batroolka iyo wasiirka xannaanada xoolaha.
PUNTLAND POST