
Ku-simaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ay weheliyaan xubo ka tirsan golaha xukuumadda ayaa maanta jeediyay qaylo-dhaan ku saabsan xaalad abaareed oo daran oo ka jirta deegaannada Puntland.
Puntland ayaa sheegtay in xaaladda abaaraha ay saameysay dad gaaraya hal milyan (1,000,000) oo qof, kuwaas oo ku kala sugan dhammaan gobollada Puntland. Waxay tilmaantay in 130 kun oo qof oo dadkaas ka mid ah ay hadda ku jiraan xaalad adag oo biyo iyo cunto la’aan ah.
Sidoo kale Puntland waxay xustay in carruur ku dhow afar boqol oo kun (400,000) ay la ildaran yihiin nafaqo darro, sidoo kale 400,000 oo barakacyaal ah ay wajahayaan xaalad adag. Waxay kaloo tilmaantay in dad gaaraya 50,000 oo qof ay ka soo xeroodeen miyiga, si ay u helaan cunto iyo biyo.
Abaarta ka jirta Puntland ayaa ka dhalatay isbadalka cimilada oo sababtay in ay yaraadaan afartii xilli roob ee la soo dhaafay, taas oo ka dhigan in deegaannada Puntland aysan helin roobab ku fialan labadii sano ee u dambeeyay.
Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in maalinta isniinta ah ay madaxtooyada Garowe ku qabanayso shir ay isugu imanayaan wasaaradaha, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ay khusayso xaaladda abaarta, si looga jawaabo xaaladda adag ee jirta.
Hoos ka daawo muuqaalka qaylo-dhaanta
PUNTLAND POST