
Wasiirka Caafimaadka xukuumaddda federaalka Soomaaliya, Cali Xaaji Adaan ayaa xilkii ka qaaday agaasimihii guud ee isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir Fartuun Shariif, kaddib dhacdo murugo leh oo ka dhacday isbitaalkaaas, taasoo hadal hayn badan dhalisay.
Wasiirka Caafimaadka ayaa agaasimaha cusub ee isbitaalka Banaadir u magacaabay Cabdirisaaq Shariif Cali, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.
“Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aadan, isagoo ka jawaabaya mas’uuliyadda dhacdadii ka dhacday isbitaalka hooyada & dhallaanka ee Banaadir, islamarkaana garwaaqsan baahida loo qabo isbeddel degdeg ah oo dhanka maamulka ah, ayaa Cabdirisaaq Shariif Cali u magacaabay agaamimaha guud ee isbitaalka Banaadir” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in isbedel maamul lagu samayn doono qaybo ka mid ah isbitaalka, iyadoo shaqada laga joojinayo shaqaalihii shaqaynayay habeenkii ay dhacdadu dhacday.
“Waxaa sidoo kale isbedel maamul lagu samayn doonaa qaybo ka mid ah isbitaalka, iyadoo shaqada laga joojinayo shaqaalihii shaqaynayay habeenkii ay dhacdadu dhacday” ayaa lagu daray qoraalka.
Xilka qaadista iyo magacaabista waxay ku soo aaday, xilli weli uu socdo baaritaan la xiriira dhacdadii isbitaalka ka dhacday, taas oo ahayd hooyo Soomaaliyeed oo ku umushay iridda isbitaalka, kaddib markii loo diiday gurmad caafimaad.
PUNTLAND POST