Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay bilowday baaritaan degdeg ah oo ku saabsan dhacdo murugo leh oo hooyo Soomaaliyeed ay ku umushay iridda isbitaalka Banaadir ee Muqdisho, kaddib markii loo diiday gurmad caafimaad.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Sommaalia ayaa lagu sheegay in wasiir Cali Xaaji Aadan uu amar ku bixiyay in si degdeg ah dib loogu eego kaamirooyinka isbitaalka, isla markaana laga soo ururiyo warbixin buuxda oo ka timaadda maamulka isbitaalka si loo xaqiijiyo sida ay wax u dhaceen.
Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in haddii baaritaanka lagu ogaado in ay jirto dayacaad, khalad ama mas’uuliyad-darro ka timid dhinaca shaqaalaha ama maamulka Isbitaalka Banaadir, tallaabo sharci ah iyo mid maamul laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo mas’uuliyadda dhacdadaas.

PUNTLAND POST