
Wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa ka hadlay ciidamada PSF ee Puntland, kaddib markii ay shalay senatarro ka tirsan aqalka ee baarlamaanka wax ka weydiiyeen mushaarka ay dowladda Soomaaliya siiso ciidankaas.
Wasiirka Firqi iyo taliye Odawaa ayaa sheegay in ciidamada PSF ay si sharci ah ugu biireen ciidamada qaranka, sidaasna ay ku helaan xuquuqda, waxay intaas ku dareen in ciidamaasi yihiin kuwa dowladdu ku xisaabtamayso oo shaqo qaran qabanaya.
Ciidamada PSF ayaa sugan magaalooyin Boosaaso, Gaalkacyo iyo Xaafuun, waxaana jira khilaaf adag oo u dhexeeyay iyaga iyo dowladda Puntland ee hoggaamiyo Siciid Deni.
Dhowr jeer ayaa khilaafka labada dhinac sababay isku dhacyo qaarkood khasaare gaystay oo ka dhacay Boosaaso iyo Garowe.
PUNTLAND POST