
Booliska Puntland ayaa maanta si rasmi ula wareegay Jaamac Cabdi Maxamuud oo dhawaan laga soo qabtay dalka Ruwanda, kaas oo ku eedeysan in uu magaalada Qardho ka sameeyay kufsi, duubis iyo baahin muuqaalo anshax-xumo ah.
War-saxaafadeed ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu yiri “Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay Hay’adda Booliska Caalamiga ah (INTERPOL) eedaysane Jaamac Cabdi Maxamuud, oo lagu eedeeyay in uu geystay fal anshax-darro ah, kaas oo ka dhacay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar”.
“Kala wareegidda eedaysanaha ayaa ka dhacday magaalada Garoowe, waxaana uu haatan ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska Puntland, iyadoo baaritaan rasmi ah lagu wado si loo xaqiijiyo caddaalad buuxda iyo in sharciga si cadaalad ah loo mariyo” ayaa la raaciyay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa 19-kii bishii hore ee Oktoobar shaaciyay soo qabashada eedeysahan.
PUNTLAND POST