Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu

Madaxwaynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Dodoma ee caasamidda dalka Tanzania uga qaybgalay caleema-saarka madaxwaynaha dib loo doortay ee dalkaasi, Samia Suluhu Hassan.

Madaxwayne Xasan Sheekh oo qayb ka ahaa madax kala duwan oo heer gobol ah, kuwaasi oo lagu casuumay ka qayb galka munaasabadda ayaa muujiyay ahmiyadda xiriirka iskaashi iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada dal, isaga oo u rajeeyay madaxweynaha dib loo doortay in ay xoogga saarto ka miro-dhalinta ajendeyaasha heer qaran, heer gobol iyo heer qaaradeed ee hor yaala.

PUNTLAND POST