Maraykanka iyo Shiinaha oo ka heshiiyay xiisaddii ganacsiga

Trump iyo Xi Jinping

Seoul (Wararka PP) — Madaxweyne Donald Trump iyo Madaxweyne Xi Jinping ayaa ku heshiiyay in ay dejiyaan khilaafka ganacsi ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha. Waxay gaareen heshiis hal sano ah oo ku saabsan macdanta iyo qalabka loo adeegsado sameynta aaladaha Garashada Sancaysan (AI). Waxay kale oo go’aansadeen in ay dhimaan canshuuraha ganacsiga.

Trump wuxuu sheegay in kulanka uu la yeeshay Xi uu u arkay guul weyn. Labada hoggaamiye waxay ku kulmeen shir ka dhacay Koonfurta Kuuriya, halkaas oo ay kaga wada hadleen sidii loo yarayn lahaa xiisadda ganacsi kaddib markii Trump canshuur 100% ku soo rogay Shiinaha. Beeralayda Maraykanka ayaa ka faa’iidi doonta heshiiska oo dalagyadooda soo dhoofin doona Shiinaha iyagoo aan la saari doonin canshuur badan.

Si kastaba ha ahaato, Trump iyo Xi may ka hadlin arrinta Taiwan ama tiknoolojiyadda aadka u horumarsan. Heshiiska waxaa loo arkay hab lagu fududeynayo ganacsiga iyo in laga fogaado dhibaatooyin dhaqaale oo cusub.

© Puntland Post, 2025