
Kooxda Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday bar kantarool oo ciidanka dowladdu ku yeeliyiin degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa ka dhacay kantarool lagu magacaabo Buurta Cali Janaale oo mid ka mid ah kantaroolada laga ilaaliyo amniga magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ka dhacay dagaal muddo nusaac ah socday oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo kooxda Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa weerarkeeda ku bilaawday baasukeyaal, kadibna waxaa xigay dagaal fool ka fool oo la sheegay in uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaartay labada dhinac, inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn inta uu le’eg tahay khasaarahaas.
Kantaroolka la weeraray waxaa deganaa ciidanka Booliiska gaarka ah ee Haramcad oo ciidanka Polizia Militare kala shaqeeya amniga kantaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho.
PUNTLAND POST