Boqor Burhaan oo ku baaqay shir looga tashanayo aayaha Puntland

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ku baaqay shir looga tashanayo aayaha Puntland, maadaama buu yiri dowlad ahaan iyo dhaqan ahaanba la soo dhaweeyay go’aankii aaya-ka-tashiga ee ka soo baxay Laascaanood, 6 Febraayo 2023.

Boqor Burhaan ayaa ayiday baaqyadii ka soo baxay qaar ka mid ah isimada Bari iyo Nugaal, kaas oo ku aadanayaa in isimada dhaqanku isugu yimaadaan shir degdeg ah oo looga tashanayo aayaha Puntland.

Boqor Burhaan ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “waxaan codkeyga ku biiranayaa oo xoojinayaa baaqa isimada Bari iyo Nugaal, si loo ilaaliyo wadajirka, nabadda iyo midnimada Soomaaliyeed, waxaan ku baaqayaa in isimada dhaqanka ay isugu yimaadaan shir looga tashanayo aadayaha Puntland”

PUNTLAND POST