Muxuu yahay ajandaha kalfadhiga 57-aad ee Baarlamaanka Puntland?

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo insiin ah si rasmiga ah u shaaciyay ajandihiisa kalfadhiga 57-aad.

Ajandaha waxaa lagu daray ka doodista arrimaha caasimadda, iyo ka doodista arrimaha tahriibka & dhibaatada daroogada.

Sidoo kale waxaa ku jira u yeerida golaha garsoorka Puntland, iyo u yeerida wasaarado & hay’ado wax laga waydiinayo waajibaadkooda.

Ansixinta Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2026 iyo meel-marinta xeerarka xukuumaddu soo gudbiso ayaa sidoo kale ku jira.

Hoos ka akhri ajandaha oo dhammaystiran

PUNTLAND POST