Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo isu diyaarinaya shir

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee dhawaan lagu dhisay Nairobi kana kooban Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ayaa yeelanaya shirkii ugu horreeyay, kaddib marka la dhammaystiro qaab-dhismeedka golaha.

Madasha Samatabixinta ayaa gudbisay laba xubnood oo ku metalaya guddida golaha, kuwaas oo kala ah xildhibaan Cabdilaahi Xaaji Abukar iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Dhankooda Puntland iyo Jubaland ayaa laga sugayaa in ay soo magacaabaan min laba xubnood si ay u dhammaystirmaan xubnaha guddida.

Golaha Mustqablka ee Soomaaliyeed ayaa dhawaan la filayaa in ay bilaabaan qabanqaabada shirkooda koowaad oo la filayo in uu ka dhaco midkood Garowe iyo Kismaayo.

Puntland ayaa maalin ka hor sheegtay in ay si buuxda u taageerayso in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu qaato mas’uuliyada badbaadinta mustaqbalka dalka.

“Dowladda Puntland waxay si buuxda u taageeraysaa in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu qaato mas’uuliyadda ku saabsan badbaadinta mustaqbalka dalka. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha mustaqbalka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan sidii Soomaaliya uga bixi la hayd hubanti la’aanta amni iyo jaahwareerka siyaasadeed” ayuu yiri madaxweyne Deni oo sabtidii hadalka ka jeediyay xarunta baarlamaanka Puntland.