Itoobiya oo qunsul Jeneraal ah u soo magacowday Puntland

Dowladda Itoobiya ayaa qunsul cusub u soo magacowday Puntland, kaas oo lagu magacaabo Gen. Tagesse Lambamo Dimbore.

Qunsulka cusub ee Itoobiya ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Qunsulka cusub ee Dowladda Itoobiya u soo magacowday Puntland, Major General Tagesse Lambamo Dimbore” ayaa lagu yiri qoraalka.

Gen. Dimbore ayaa lagu baddelay qunsulkii hore, Yidnekachew Tekle, wuxuuna ku soo aaday, iyadoo bishii Abriil ee sanadkan magaalada Laascaanood lagu dilay sarkaal ka tirsan qunsuliyadda oo lagu magaaci jiray Faarax Caydiid Jaamac (Bariis).

PUNTLAND POST