Senator Faroole oo dhaliil u jeediyay Aqalka Sare

Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ku dhaliilay Aqalka Sare in ay ku milmeen khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, taasina ay meesha ka saartay doorkii dhexdhexaadnimo ee golaha.

Senator Faroole oo shalay hadal ka jeediyay kulan ay yeesheen Aqalka Sare ayaa sheegay in goluhu yahay miisaankii dowladnimada Soomaaliya, hase ahaatee taas la lumiyay, markii si aan waafaqsanayn dastuurka xubno ka tirsan golaha ay xilal iyo dano kale ku badasheen.

Senator Faroole ayaa tilmaamay in Aqalka Sare gabeen u kala dab-qaadida dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Puntald & Jubaland, sidoo kale gabeen in ay u sheegaan maamullada aan weli doorasho qaban, in ay doorasho qabsadaan.

Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa u soo jeediyay golaha Aqalka Sare in ay hadda is daba qabtaan oo ay dib isu saxaan.

Hoos ka daawo hadalka Senator Faroole

PUNTLAND POST