Shuruud lagu xiray sii deynta maxaabiista Somaliland ee ku xiran Laascaanood

Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa shuruud ku xiray sii deynta maxaabiista ciidamada Somaliland ee ku xiran magaalada Laascaanood.

Guddoomiyaha baarlmaanka maamulkaas, Dr. Aadan Cabdullaahi ayaa sheegay in aan maxaabiistan la sii deyn doonin ilaa heshiis nabadeed laga gaaro colaadii ka dhacday gobolka Sool ee dhiiga badan ku daatay.

Guddoomiye Aadan oo wareysi bixiyay ayaa yiri “ma sii deynayno maxaabiis sabab la’aan. Qaar ka mid ah maxaabiista waxay ku lug leeyihiin dambiyo culus, waxaana suuragal ah in la horkeeno maxkamad si loogala xisaabtamo xasuuqii iyo barakacintii loo geystay shacabka Laascaanood”.

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa ku soo aadaya, xilli dowladda federaalku waday dadaallo ay ku doonayso in lagu sii daynayo maxaabiista Somaliland ee ku xiran Laascaanood.

Dowladda federaalka ayaa bishii July ee sanadkan ku guuleysatay in ay Laascaanood ka sii deyso 25 maxbuus oo duruufo gaar ah qabay, kuwaas oo ka mid ahaa maxaabiistii laga qabtay Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan ku baaqay in la sii daayo maxaabiista labada dhinac (Waqooyi Bari iyo Somaliland) kala haystaan, si loo xoojiyo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta gobolka.

PUNTLAND POST