
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xafiiskiisa Garowe kula kulmay Gen. Fu’aad Xanaano oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka ciribtirka argagixisada ee ka socda, Calmiskaad, kaas oo uu ku dhaawacmay.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa Gen. Fu’aad Xanaano uga mahadceliyay geesinimada, dadaalka iyo hoggaaminta uu la yimid dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada Daacish.
SIidoo kale, wuxuu saraakiisha iyo ciidamda ku dhiirigaliyay in ay sii wadaan dadaalkooda lagu soo afjarayo cadowga ku soo duulay Puntland.
Kulanka waxaa ku weheliyey Taliye Xayle Xaaji Diraac oo ma mid ah saraakiisha ciidamada Puntland.
PUNTLAND POST