
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa la filayaa in uu maanta shir wadatashi ah la yeesho madaxweynayaasha Koonfurta Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala hadlaya madaxda saddexda maamul qorshaha uu la tagayo Kismaayo oo lagu wado in uu maalmaha soo socdo dib ugu laabto, kaddib markii uu natiijo la’aan ku dhamaaday shirkii horaantii bishan Oktoobar uu la soo yeeshay madaxweynaha Jubbaland.
Safarka labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh ku tagayo Kismaayo oo garwadeen ka tahay Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay u badan tahay in uu heshiis ka keeno, hase yeeshee waxaa la ogayn nooca heshiiskaas uu noqonayo.
Dhanka kale madaxweynayaasha Koonfurta Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo dhamaantood waqtigu ka dhamaaday ayaa doonaya in ay qabsadaan nooc doorasho oo ay dib ugu soo noqdaan.
PUNTLAND POST