Nin ku eedeysan in uu Qardho ka geystay kufsi iyo tacadiyo kale oo laga soo qabtay Ruwanda

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dalka Ruwanda ka soo qabatay Jaamac Cabdi Maxamed oo ku eedeysan in uu magaalada Qardho ee Puntland ka sameeyay kufsi, duubis iyo baahin muuqaalo anshax-xumo ah oo loo geystay gabdho Soomaaliyeed.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in isaga oo kaashanaya booliska Soomaaliya qeybta la shaqeysa booliska caalamiga ah ay dalka Ruwanda ka soo qabteen eedeysanahan oo baxsad ka ahaa hey’adaha caddaaladda.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa tilmaamay in eedeysanahan shalay galab laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, laguna xiray xabsiga qaybta baarista dambiyada booliska (CID), sida ugu dhakhsiyaha badana loo gayn doono maxkamad.

PUNTLAND POST