
Sarkaal ka tirsanaa ciidanka militeriga Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Kornayl Cumar Cali Maxamuud (Macallin Cumar) ayaa xalay lagu dilay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.
Marxuumka oo ahaa 62 jir, ayaa lagu toogtay afaafka hore ee guriga uu deganaa, waxaana dilka geystay labo nin oo baastoolado ku hubaysnaa sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Laamaha amniga magaalada Muqdisho ayaa weli ka hadlin dilka sarkaalka oo ay sheegatay in ay ka dambaysay kooxda Al-shabaab.
Amniga caasimadda Muqdisho ayaa muddo wanaagsanaa, ka hor dilka sarkaalka iyo weerarkii dhawaan lagu qaaday xarunta baarista NISA ee Godka Jilicow.
PUNTLAND POST