
Laamaha amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa xalay soo bandhigay saddex nin oo ku eedeysan dilka hooyo iyo saddex carruur gabdho ah oo ay dhashay, dhacdadaas oo lala xiriiriyay aano qabiil.
Falkan oo dad badan ay ka argagaxeen ayaa habeen ka hor ka dhacay miyiga u dhaxeeya deegaannada Qaayib iyo Xiindheere oo hoostaga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.
Taliyaha Booliska Galmudug G/Sare Khaliif Cabdulle Maallin ayaa sheegay in ragan la baadi goobayay muddo ka badan 24 saac, ugu dambayna lagu guuleystay qabashadoona, baarin kaddibna la horgeyn doono sharciga.
Maahan markii ugu horreysay oo sidaan oo kale fal argagax leh oo la xiriirta aano qabiil uu ka dhaco deegaanada Soomaalida, balse kani waa kii ugu dambeeyay oo si weyn u dhalisay carro badan oo bulsho.
PUNTLAND POST