
Boosaaso (Wararka PP) — Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso kula kulmay safiirka Biritayn u jooga Soomaaliya Ambassador Charles King iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah golaha xukuumadda, waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarinta, arrimaha Puntland waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ciribtirka argagixisada Daacish ee ka socda Calmiskaad iyo xasilinta deegaannada laga saaray.
Wafdiga ka socda dowladda Biritayn ayaa kulan- doceed la qaatay xubno ka mid ah golaha xukuumadda Puntland, saraakiisha amniga iyo la-taliyeyaal madaxweyne.









PUNTLAND POST