Heshiis laga gaaray dagaalka Qasa

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa shaaciyay in wejiga koowaad ee heshiiska nabadda Qasa la gaaray, kaddib heshiis ka dhacay Masar oo ay garwadeen ka ahaayeen dalalka Maraykanka, Turkiga, Qadar iyo Masar.

Heshiiska ayaa dhigaya in dagaalka la joojiyo, maxaabiista la is-dhaafsado iyo in ciidamada Israa’iil laga saaro qaybo ka mid ah Qasa.

Labada dhinac ayaa soo dhaweeyay heshiiskan, waxaana magaaalda Qasa ka dhacay dabaal-degyo lagu soo dhawaynayo nabadda.

Wadahadallada Masar ayaa imanaya labo sano kadib markii Israa’iil ay billowday dagaalka Gasa, iyadoo jawaab uga dhigtay weerarkii 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo rag hubeysan oo Xamaas ka tirsan ay ku dileen illaa 1,200 oo qof ayna afduub ahaan u qabsadeen 251 kale.

PUNTLAND POST