
Weerar qaraxyo ku bilowday ayaa ka dhacay xarunta NISA ee godka Jilicow oo ah goob laga maamulo amniga caasimadda Muqdisho iyo goballada Shabeellooyinka.
Goobtan oo ay weerartay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa u dhow xarunta Villa Somalia, waxaana lagu weeraray baabuur wadata astaanta ciidanka dawladda, sida wararku sheegayaan.
Koox argagixiso ah oo gudaha u gashay xarunta ayaa ka dagaalamaya qeybo kamid ah dhismayaasha xarunta, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo dhinaca amniga ah, iyadoo ciidamada amniguna ku dadaalayaan sidii loo soo afjari lahaa argagixisadan.
Maxaabiis badan oo ku xirnaa godka Jilicow ayaa baxsaday markii qaraxu dhacay, waxaana qaarkood soo qabtay ciidamada ammaanka.
Laamaha amniga Muqdisho ayaa weli ka hadlin weerarkan oo ku soo aaday xilli amniga caasimadda uu wanaagsanaa muddooyinkii dambe.
PUNTLAND POST