Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada AUSSOM, gaar ahaan qeybta Uganda ayaa kooxda AS kala wareegay deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu xaqiijiyay bayaan ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga.
“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah hawlgalka AUSSOM ayaa saaka gudaha u galay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri bayaanka.
Tani waxay qeyb ka tahay howlgalka qorsheysan oo loogu magac-daray ‘Duufaanta Aamusan’, kaas oo lagu xoreynayo deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalka uu weli socdo, isla markaana faahfaahin dheeraad ah laga bixindoona marka soo gebogaboobo.

PUNTLAND POST